Hogaamiyaha Ku-meel-gaarka ah Koonfur Galbeed oo xilkii ugu horeeyay magacaabay

35

Hogaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa maanta markii ugu horeysay wuxuu sameeyay magacaabis uu masuulkii ugu horeeyay u magacaabay xil tan iyo markii maalmo ka hor uu Ra’iisulwasaare Xamza u magacaabay Hogaamiyaha KMG ah ee Maamulka Koofurgalbeed.

Hogaamiye Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cali wuxuu Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed u magacaabay Cabdulaahi Isaaq.

Magacaabistaan waxay imaaneysaa xili lagu wado in talaabada koowaad ee Dowladu qaadeyso ay tahay sidii maamul degdeg ah loo dhisi lahaa Koofurgalbeed kadib markii Madaxweynihii Maamulkaasi dhawaan xukunka xoog looga tuuray.