Ukraine iyo Israa’iil oo isku khilaafsan markab Ruushka laga leeyahay oo sida …..

23

Ukraine ayaa markii ugu horreysay si cad u muujisay caro iyo niyad-jab ay ka qabto xiriirka ay la leedahay Israa’iil, kadib eedeymo culus oo la xiriira in Israa’iil ay iibsatay qamadi la sheegay in Ruushku ka qaaday dhulalka Ukraine ee uu qabsaday.

Warbaahinta Maraykanka ee Axios, oo soo xiganaysa sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Ukraine, ayaa sheegtay in Kyiv ay dareemeyso in taageeradii ay siisay Israa’iil aan si la mid ah looga jawaabin.

Sarkaalkaasi ayaa sheegay in dowladda Ukraine ay qaaday tallaabooyin dhowr ah oo ay u aragtay kuwo taageero u ah Israa’iil, si loo xoojiyo xiriirka labada dhinac. Tallaabooyinkaas waxaa kamid ahaa sharciyo adag oo lagula dagaallamayo naceybka Yuhuudda gudaha Ukraine, iyo sidoo kale in Ukraine ay ururka ilaalada kacaanka Iran (IRGC) u aqoonsatay urur argagixiso ah, arrin la sheegay inay muddo dheer Israa’iil daneynaysay.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Ukraine ayaa hadda ku eedeysay Israa’iil inay si dadban dhaqaale ugu taageereyso Ruushka, kadib markii la sheegay inay aqbashay qamadi kasoo baxay deegaanno ay ciidamada Ruushku ka maamulaan gudaha Ukraine.

Warbixinta ayaa sheegtay in sawirro dayax-gacmeed ay muujiyeen markab lagu magacaabo Saint Olga oo geeyay dekedda Ashdod ee Israa’iil ku dhowaad 27,000 tan oo qamadi ah, iyadoo qiimaha xamuulkaasi lagu qiyaasay ku dhowaad 9 milyan oo dollar.

Sidoo kale wararka ayaa tilmaamaya in in ka badan 30 shixnadood oo kale ay ku wajahan yihiin Israa’iil, kuwaas oo ka baxay dekeddo ku yaalla gobollada Ukraine ee hadda Ruushku gacanta ku hayo.

Mas’uuliyiinta Ukraine ayaa aaminsan in ganacsato Israa’iili ah ay faa’iido dhaqaale ka helayaan badeecado laga soo qaatay dhul ay Kyiv u aragto in si sharci darro ah looga dhacay.