
Shacabka ku nool deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa saaka waaberigii hore u dareeray goobaha codbixinta, si ay uga qeyb qaataan doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay soo qabanqaabisay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Doorashadan, oo ah mid isku sidkan, ayaa lagu dooranayaa xubnaha golayaasha deegaanka iyo xildhibaannada heer dowlad goboleed,waxayna doorashadan ka dhacday illaa 13 degmo oo ka kala tirsan gobolada Bay,Bakool iyo Shabelaha Hoose.
Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xildhibaanno ayaa ka mid ah dadka codeynaya.
Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ahna musharax madaxweynaha Koofurgalbeed ayaa codkiisa ka dhiibtay magaalada Baydhabo.
Dadweynaha ayaa si weyn uga qeyb qaadanaya doorashada, iyadoo goobaha codbixinta ay ka muuqdaan mashquul iyo dadweyne fara badan oo u taagan dhiibashada codkooda.




















