
Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe sidoo kalana ah musharax Madaxweynaha maamulka Koofurgalbeed ayaa saaka ka qeybgalay doorashooyinka isku sidkan ee mar qura lagu dooranayo Golaha deegaanaka iyo kan baarlamaanka.
Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe wuxuu u mahadceliyay ciidamada amaanka qeybahooda kala duwan sida habsamida leh uga qeyb qaadanaya sugidda amaanka goobaha codbixinta.
“waxaan aad ugu faraxsanahay inaan maanta ka mid noqdo kumanaanka qof ee codkooda sida dimoqraadiyadda leh u dhiibtay”ayuu yiri Gudoomiye Aadan Madoobe
Haddaba halkaan ka akhriso qoraalka Gudoomiyaha oo sidiisa u qoran:-
Baydhabo, Soomaaliya 10, May, 2026: waxaan aad ugu faraxsanahay inaan maanta ka mid noqdo kumanaanka qof ee codkooda sida dimoqraadiyadda leh u dhiibtay, anigoo ka qeyb galay doorashada Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiilada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Dadka reer Koonfur Galbeed, waxay muujiyeen biseyl iyo yididiilo muujineysa neecaw xornimo iyo dimoqraadiyad, iyagoo si isku mid ah codkooda ugu dhiibanaya maanta degmooyinka iyo goobaha laga codeeyo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Waxaan mar kale ku boorinayaa dadka reer Koonfur Galbeed in ay banaanka usoo baxaan oo ay u dareeraan goobaha codbixinta si dimoqraadiyad lehna u doortaan cida hogaamineysa, waxaana u mahadcelinayaa ciidamada amaanka qeybahooda kala duwan ee sida habsamida leh uga qeyb qaadanaya sugidda amaanka goobaha codbixinta iyo sidoo kale shacabka codadkooda dhiibanaya.
Muwaadin codkaaga ayaa beddeli kara mustaqbalka deegaankaaga, bulshadaada iyo jiilka soo koraya.




















