DAAWO: Xasan Sheekh oo si adag uga hadlay banaanbaxa Muqdisho

17

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si deg deg ah dib ugu soo laabtay dalka kadib safar uu ku tegay Jabuuti, isagoo markiiba ka hadlay xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha siyaasadeed ee xilligan taagan. Madaxweynaha ayaa hadalladiisa diiradda ku saaray amniga, doorashooyinka qof iyo codka ah ee ka socda deegaannada Koonfur Galbeed, xaaladda magaalada Muqdisho iyo gogosha wadatashiga qaran ee dowladda ay u fidisay siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda federaalku ay ku howlan tahay hirgelinta nidaam dimuqraadi ah oo dalka lagu gaarsiinayo doorasho qof iyo cod ah, isagoo tilmaamay in doorashooyinka saaka ka bilowday deegaannada Koonfur Galbeed ay yihiin tallaabo taariikhi ah oo muujinaysa horumarka Soomaaliya ka sameyneyso dhanka dimuqraadiyadda iyo dowlad-dhiska. Waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay mudan yihiin inay si xor ah u doortaan hoggaankooda, islamarkaana dowladda ay ka go’an tahay in nidaamka doorashada tooska ah laga hirgeliyo guud ahaan dalka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in doorashooyinkaasi ay ku socdaan jawi nabdoon, isagoo bogaadiyay shacabka reer Koonfur Galbeed ee u dareeray goobaha codbixinta. Wuxuu tilmaamay in dowladdu ay muhiimad weyn siinayso xaqiijinta amniga goobaha doorashada si shacabka ay codkooda ugu dhiiban karaan si xor iyo xasilooni leh.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Muqdisho oo maalmihii dambe ay ka jireen xiisado siyaasadeed iyo hadallo la xiriira bannaanbaxyo ay ku baaqeen siyaasiyiin mucaarad ah. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay ilaalinayso xaqa dastuuriga ah ee shacabka ee mudaharaadka nabadeed, balse aysan aqbali doonin falal horseedi kara qalalaase amni ama carqaladeyn nololeed oo saameeya shacabka ku nool caasimadda.

Waxa uu sheegay in hay’adaha ammaanka lagu amray inay si masuuliyad leh u gutaan waajibaadkooda, isla markaana ay ilaaliyaan amniga guud ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan xilli ay jiraan cabsi la xiriirta isku dhacyo siyaasadeed iyo abaabulo hubeysan oo laga digay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale mar kale ku celiyay baaqiisa ku aaddan gogosha wadatashiga qaran ee dowladda ay u fidisay siyaasiyiinta iyo saamileyda kala duwan ee dalka. Wuxuu sheegay in dowladda ay diyaar u tahay wada hadal iyo is afgarad siyaasadeed oo lagu xallinayo khilaafaadka jira, islamarkaana albaabadu u furan yihiin dhammaan dhinacyada doonaya in dalka lagu hoggaamiyo wada tashi iyo nabad.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku booriyay siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay ka fogaadaan hadallada hurin kara xiisadda, islamarkaana ay mudnaanta siiyaan midnimada, xasilloonida iyo danta guud ee dalka. Wuxuu xusay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad muhiim ah oo u baahan wadajir iyo is faham siyaasadeed si loo sii xoojiyo dowladnimada, amniga iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda.

Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan doodaha siyaasadeed ee ku saabsan doorashooyinka dalka, xaaladda amniga Muqdisho iyo xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, iyadoo beesha caalamka ay si dhow ula socoto xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.