Wadahadalo mar kale uga furmay xerada Xalane madaxda dowladda iyo Mucaaradka

21

Waxaa maanta mar kale Muqdisho ku balansan Dowlada Somalia iyo Mucaaradka Golaha Mustaqbalka kuwaasoo shalay isku mari waayay qodobadii horu dhaca ahaa ee laga hadlay sida doorashooyinka.

Kulankii shalay qodobka kaliya ee laga heshiiyay wuxuu ahaa in Dowladu fulisay dalabkii mucaaradka ee ahaa in la sii daayo shacab Dowladu xirtay maalintii banaan-baxa ay qabeen mucaaradka, laakiin qodobkii looga hadlayay nuuca doorashada uu noqonayo waa la isku fahmi waayay markii Dowladu ku dhegtay doorasho qof iyo cod ah halka mucaaradka ay doonayeen inay doorashadi hore ee dadbaneyd.

Kulanka maanta waxaa qaadanaya gudiyo dhinacyadu iska soo xulan doonaan sida shalayba lagu heshiiyay si ay u sii anba qaaday in la raadiyo xal doorasho oo aan ahayn labada mowqif ee hada lagu kala dhagan yahay,ugu yaraana gudigu ku heshiiyaan doorasho kale oo dhex dhexad ah.

Warar kale oo waxaa jira sheegaya in mucaaradku gudiga ku qanacsaneyn oo ay rabaan in wada hadalada ay sii wataan madaxda shalay isu timid balse maanta marka shirka furmo ayaa la ogaan doonaa sida xaalku ku bilowdo,waxaana la balansan yahay 10-ka subaxnimo insha Alllah inkastoo isbadal uu iman karo.