
Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa ka dhacday dhacdo naxdin leh kadib markii wiil dhalinyaro ah uu dilay aabbihii oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Bootaan, oo ahaa xildhibaan hore uga tirsanaa maamulka Puntland.
Dilkan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Al-Aqsa ee magaalada Boosaaso, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in eedeysanaha oo lagu magacaabo Maxamed Yuusuf uu aabbihii ku weeraray toorrey, taasoo sababtay geeridiisa.
Goob-joogayaal iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in falkaasi uu si weyn u argagax geliyay shacabka ku nool xaafadda, maadaama marxuumka uu ahaa nin si weyn looga yaqaanay magaalada Boosaaso iyo guud ahaan maamulka Puntland.
Wararka la helayo ayaa sidoo kale tilmaamaya in wiilka falka geystay uu muddo la noolaa xaalad la xiriirta xanuunka dhimirka, inkastoo aysan jirin ilaa hadda war rasmi ah oo arrintaas kasoo baxay hay’adaha caafimaadka ama laamaha ammaanka Puntland.
Ciidamada ammaanka ee magaalada Boosaaso ayaa durba gaaray goobta uu falka ka dhacay, waxayna gacanta ku dhigeen eedeysanaha, iyadoo haatan ay socdaan baaritaanno ku saabsan sababaha rasmiga ah ee ka dambeeyay dilkan.
Mas’uuliyiinta laamaha ammaanka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dhacdadan, hase yeeshee wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in baaritaanno dheeraad ah lagu sameynayo xaaladda maskaxeed ee eedeysanaha iyo sida uu falka u dhacay.




















