Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay masaajid ku yaal San Diego+ SAWIRRO

18

Saddex nin ayaa lagu dilay toogasho Isniintii ka dhacday masaajid ku yaalla magaalada San Diego ee gobolka California, halka labada qof ee weerarka looga shakisan yahayna ay dhinteen, sida ay sheegeen booliska magaalada.

Toogashada ayaa ka dhacday Islamic Center of San Diego, oo loo aqoonsan yahay masaajidka ugu weyn degmada San Diego County. Xarunta ayaa ku taalla meel qiyaastii sagaal mayl waqooyi ka xigta bartamaha magaalada San Diego.

Taliyaha booliska San Diego, Scott Wahl, ayaa sheegay in labada qof ee looga shakisan yahay weerarka la rumeysan yahay inay yihiin dhallinyaro, isla markaana kiiska loo baarayo fal dambiyeed nacayb ku saleysan. Boolisku weli ma shaacin magacyada dadka la dilay iyo kuwa weerarka looga shakisan yahay.

Warbaahinta Mareykanka, oo soo xiganeysa farriin ka timid hoggaanka masaajidka, ayaa sheegtay in mid ka mid ah dadka la dilay uu ahaa waardiye amni. Booliska si rasmi ah weli uma aysan shaacin aqoonsiga dadka dhintay.

Muuqaallo laga duubay hawada ayaa muujiyay carruur ka badan toban oo gacmaha is haya, kuwaas oo laga saarayo goobta masaajidka, iyadoo xarunta ay ku hareereysnaayeen gaadiid badan oo boolis ah.

Masaajidka ayaa ku yaalla xaafad ay ku badan yihiin guryo, dabaqyo, suuqyo yaryar iyo maqaayado iyo dukaamo ay leeyihiin bulshada ka soo jeeda Bariga Dhexe.

Islamic Center of San Diego waxaa ku dhex yaalla Al Rashid School, oo sida ku cad xogta xarunta bixisa casharro ku saabsan luqadda Carabiga, cilmiga Islaamka iyo Qur’aanka.

Xafiiska guddoomiyaha California Gavin Newsom ayaa sheegay in guddoomiyaha lagu wargeliyay xaaladda, isagoo u mahadceliyay gurmadka degdegga ah ee goobta gaaray, kana codsaday bulshada inay raacaan tilmaamaha hay’adaha ammaanka.

“Waxaan u mahadcelineynaa gurmadka degdegga ah ee goobta ku sugan, kuwaas oo ka shaqeynaya ilaalinta bulshada, waxaana dadka ku boorineynaa inay raacaan tilmaamaha maamulka deegaanka,” ayuu xafiiska Newsom ku qoray barta X.

Xarunta Islaamiga ah ee San Diego ayaa sheegta in ujeeddadeedu aysan ku koobneyn keliya u adeegidda bulshada Muslimiinta, balse ay sidoo kale ka shaqeyso taageeridda dadka danyarta ah, waxbarashada bulshada iyo la shaqeynta dadka diimaha kala duwan leh arrimaha samafalka iyo adeegyada bulshada.

Hay’adda Golaha Xiriirka Islaamka-Mareykanka ee CAIR ayaa cambaareysay weerarka, iyadoo sheegtay in aan qofna cabsi ka qabin inuu ku cibaadeysto masaajid ama uu wax ku barto dugsi hoose. CAIR ayaa sheegtay inay wali uruurineyso faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhacdada.

Weerarka ayaa dhacay xilli ay Muslimiintu galeen maalmaha ugu fadliga badan sanadka Islaamka, kuwaas oo ku beegan bilowga bisha Dul-Xijjah iyo xilliga Xajka

Booliska ayaa sheegay in baaritaanka uu weli socdo.