Shirkadda LG Electronics oo dugsi farsamo ka furanaysa Soomaaliya.

20

 

Shirkadda caalamiga ah ee tiknoolajiyadda LG Electronics ayaa qaaday tallaabo cusub oo lagu taageerayo horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed, kadib markii ay ku dhawaaqday qorshe lagu dhisayo dugsi farsamo oo casri ah oo Soomaaliya laga hirgelinayo.

Mashruucan ayaa qeyb ka ah ballaarinta barnaamijka tababarrada xirfadeed ee ay shirkaddu muddo ka badan toban sano si guul leh uga wadday dalka Itoobiya.

Heshiis rasmi ah oo arrintan la xiriira ayaa dhawaan lagu kala saxiixday magaalada Addis Ababa, iyadoo ay wada galeen LG Electronics iyo Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobey (UNDP), waxaana sidoo kale qeyb ka ah Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Kuuriyada Koonfureed (KOICA).

Dugsiga laga hirgelinayo Soomaaliya wuxuu noqon doonaa xarun waxbarasho farsamo iyo xirfadeed, oo diiradda saari doonta baridda xirfadaha korontada, elektaroonigga iyo tiknoolajiyadda casriga ah. Ujeeddadiisu waa in dhallinyarada Soomaaliyeed lagu qalabeeyo aqoon iyo xirfado u sahla inay helaan shaqooyin, ama ay abuuraan ganacsiyo u gaar ah.

LG Electronics ayaa mashruuca ku taageeri doonta diyaarinta manhajka waxbarashada, tababarka macallimiinta Soomaaliyeed, dejinta habraacyada maamulka iyo bixinta talooyin farsamo oo ku saabsan qalabka waxbarashada.

Sidoo kale, macallimiinta Soomaaliyeed ayaa fursad u heli doona inay tababar toos ah ku qaataan xarunta LG-KOICA Hope Vocational Training School ee Itoobiya, si ay uga faa’iideystaan nidaamka waxbarasho ee halkaas ka hirgalay.

Dugsigan ku yaalla Itoobiya, oo la aas aasay sanadkii 2014, waa xarun tababar farsamo oo lacag la’aan ah, laguna barto xirfado ay ka mid yihiin korontada, elektaroonigga iyo IT-ga.