Mucaaradka ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay dibad-baxyo horleh oo ay sheegeen inay uga soo horjeedaan dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud, xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha siyaasadeed ee la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo maamulka dalka.
Mucaaradka ayaa dowladda ku eedeeyay inay ku fashilantay ilaalinta nidaamka siyaasadeed iyo heshiisyadii hore ee lagu hagayay doorashooyinka dalka, iyagoo sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uusan sharciyad buuxda ku joogin Villa Soomaaliya.
Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku tilmaamay inuu hadda yahay “madaxweyne hore”, iyagoo sheegay in waqtiga sharciyadda dowladdiisa uu muran ku jiro, taasoo sii kordhisay hadallada kulul ee ka dhex aloosan siyaasadda Soomaaliya.
Kulanka mucaaradka ayaa waxaa hadal ka jeediyay Xasan Cali Khayre, kaas oo si cad ugu dhawaaqay in dibad-bax weyn uu ka dhici doono Muqdisho 4-ta bisha June. Wuxuu sheegay in mudaharaadkaasi uu noqon doono mid nabadeed, balse socon doona toddobaadyo ilaa laga gaarayo waxa uu ku tilmaamay in dalka loo helo hannaan doorasho oo sax ah oo lagu wada qanacsan yahay.
“Annaga waxaan rabnaa badbaadada dalka iyo ilaalinta nabaddiisa, sidaas daraadeed waxaan ku baaqeynaa banaanbax nabadeed oo la isugu soo baxo 4-ta bisha June haddii Alle idmo, waana soconayaa inta laga gaarayo in dalka loo saldhigo doorashadiisa,” ayuu yiri Xasan Cali Khayre.
Khayre ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay maanta heystaan fursad ay kaga hortagi karaan, sida uu hadalka u dhigay, xaalad dalka u horseedi karta qalalaase siyaasadeed iyo dib u dhac. Wuxuu dadka ugu baaqay inay si weyn uga qeyb qaataan dibad-baxyada la qorsheynayo.
“Maanta ayay fursad inala guddoon tahay inaan badbaadino dalka oo aan ka hor istaagno ceelka uu kusii dhacayo,” ayuu mar kale yiri Khayre, isagoo muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan jihada siyaasadeed ee uu dalku wajahayo.




















