Mareykanka oo Somaliland u cadeeyay in Hargeysa ay somaliya kamid tahay.

25

War ka soo baxay Wasaarada arimaha dibada ee Dowlada Mareykanka ayaa caawa lagu faah faahiyay mowqifka Mareykanka ee Somalia iyadoona lagu taag tagsaday Mareykanku ictiraafsan yahay waligiisba midnimada iyo wada-jirka dhuleed ee Somalia .

Mareykanka wuxuu si gaar ah ugu cadeeyay maamulka Somaliland ee gooni goosadka ah inay qeyb ka yihiin Jamhuuriyada faderaalka Soomaaliya islamarkaana Mareykanku isku si ula macaamilaan Kismaayo hadii ay tagayaan iyo hadii ay Hargeysa tagayaan diblomasiyiintooda .

Wasaarada arimaha dibada Mareykanka waxay cadeysay in Diblomaasiyad ahaan ay Soomaalida kula macaamilaan safaarada Mareykanka ee ka furan caasimada Somalia ee Muqdisho halkaasoo markii ay Gobolada Somaliya u baahdaan ay ka baxaan sida hargeysa,Kismayo,Baydhaba ama magaalooyinka kale iyagoo adeegsanaya diyaarado Milateri.

Sedex qodob oo warka Mareykanka ku jirtay ayay u badan tahay inuu aad uga caroodo C/raxmana Ciro oo ah hogaamiyaha Maamulka Somaliland kuwaasoo kala ah in Mareykanku Somalia hal dal u aqoonsan yahay , in marka ay madxda safaarada aadayaan Kismaayo iyo markey aadayaan Hargeysa ay isku si ugu aqoonsan yihiin aag halis ah islamarkaana ku aadaan diyaradaha Milateriga ciidamada Mareykanka .