DAAWO: Dagaal u dhexeeya Dowlada iyo Xasan Cali Khayre oo Muqdisho ka qarxay

9

 

Xogaha aan heleyno goor dhaw oo ku beegan 5-ta Galabnimo ayaa sheegaya in dagaal uu ka qarxay guriga Xildhibaan Jacfar oo xalay uu u degay Ra’iisulwasaarihii hore Xasan Cali Khayre kaasoo ku yaal Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho.

Dagaalka wuxuu u dhexeeya ciidamo Dowlada ka tirsan iyo ilaalada Siyaasiga Xasan Cali Khayre iyo Xildhibaan Jacfar walina rasaastu waa socotaa.

Wararka horu dhaca ah ayaa sheegaya in rasaas iyo hub waa weyn la isu adeegsanayo dagaalka walow aan wali faah faahin laga helin hadii ay jiraan khasaare nafeed oo dhinacyada soo kala gaaray.

Waxaa xusid mudan in guriga Ciidamada Dowladu weerareen ay ku wada sugnaayeen Siyaasiyiinta iyo dhaqanka Beesha Mursade sida Xasan Cali Khayre,Xildhibaan Jacfar iyo Ugaaska Beesha Mursade.