Turkiga oo Casuumad u fidiyay Dowlada Somalia iyo Mucaaradka

46

Dawladda Turkiga ayaa casuumaad rasmi u kala dirtay Madaxwayne Xassan Shiikh Maxamuud iyo Xubnaha mucaaradka, iyadoo qaban qaabinaysa shir ay labada dhinac isku soo hor fadhiisinayso.

Shirkan ayaa daba socda shir todobaad ka hor ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kaas oo ay ka qaybgaleen xubno matalayay mas’uuliyiinta golaha samatabixinta qaarkood iyo Taliye ku xigeenka sirdoonka wadanka Turkiga.

Dawladda Turkiga ayaa mucaaradka ka balanqaaday in ay soo horfadhiisin doonto Madaxda DFS si loo xaliyo khilaafka iyo tabashada jirta.

RW hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ka mid ah xubnaha mucaaradka ee la casuumay ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Lama oga goorta iyo goobta uu shirku ka dhacayo, marka laga reebo in uu Muqdisho ka furmayo.

Shirkaan ayaa la filaayayaa in uu ka duwanaado shirkii hore ay garwadeenka uga ahaayeen dawladaha Maraykanka iyo Ingiriiska safiiradooda, waxaana jirta in dawladda Turkigu ay tahay dawladda kaliya ee gacan saarka buuxa la leh DFS.