Israel oo doonaysa inay qorto dad xagjir ah oo loogu talagalay booliiska Masjidka Al-Aqsa

55

 

Maamulka Israa’iil ayaa raadinaya inay qortaan dad xagjir ah si ay u noqdaan cutubyo booliis ah oo la geeyo Masaajidka Al-Aqsa ee Bariga Qudus ee la haysto , sida lagu sheegay warbixin ay qortay Haaretz .

Daniel Lerach, oo ah ku xigeenka taliyaha qaybta booliiska ee mas’uulka ka ah masaajidka, ayaa soo saaray codsiyo online ah oo ku saabsan shaqaaleysiinta waxa uu ku tilmaamay “saraakiisha diinta” si ay uga shaqeeyaan goobta.

“Qof kasta oo doonaya inuu ka qayb qaato waa la soo dhaweynayaa waana inuu ila soo xiriiro,” Lerach ayaa ku qoray farriimo lagu faafiyay baraha bulshada iyo kooxaha WhatsApp, oo ay ku jiraan kuwa lala xiriiriyay dadka Israa’iil ee degan Daanta Galbeed ee la haysto.

Sida laga soo xigtay Haaretz, rabbaaniyiinta la xiriira dhaqdhaqaaqa Temple Mount – kooxo abaabula duullaan joogto ah oo lagu qaado Al-Aqsa isla markaana u ololeeya burburinteeda – ayaa ku dhiirrigeliyay taageerayaashooda inay is diiwaan galiyaan.