Milkiilaha Elite Hotel oo goor dhaw sheegay in Ciidamada Dowladu ay galeen Hoteelkiisa

27

Milkiilaha Elite Hotel C/laahi Maxamaec Nuur ayaa goor dhaw barihii bulshada kaga hadlay ciidamada Dowlada ee goor dhawayd xooga ku galay Hoteelkiisa kuwaasoo wada baaritaano dhanka hubka ah sida Booliisku sheegeen.

C/laahi Maxamed Nuur wuxuu carabka ku adkeeyy in ciidamada Dowladu doonayaan inay Hoteelkiisa biliiqeystaan,sidoo kale wuxuu ku eedeeyay inay hub culus la galeen islamarkaana ay rabaan inay marmarsiyo uga dhigtaan inay burburiyaan Hoteelka.

Ganacsade C/laahi Maxamed Nuur wuxuu xusay in wixii dhibaato loo geysto hoteelkiisa uu masuuliyada qaadi doono Madaxweyne Xasan oo uu ku eedeeyay inuu isagu soo direy.

Hadaba qoraalka C/laahi Maxamed Nuur oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso

Maanta oo ay taariikhdu tahay 6 June 2026, saacadu marki ay ahayd 11:30am waxaa xoog ku galay Elite Hotel oo ah goob Gancsi Ciidamo kubaysan hub aad u cuslus oo ay kujiraan walxaha Qarxa sida miinooyin iyo kuwa dhismayaasha lagu dumiyo waxayna lawareegeen gabi ahaan Hotelka, ayaga oo ilaaladi iyo shaqaalihi koobnaa ee gudaha kujiray isugu geeyay goob gaar ah, una sheegay in ay baarayaan hotelka.

Hubka culus oo ay gudaha lagaleen waxaa uu muujinayaa in aan qorshuhu ahayn baaritaan balse uu yahay in Hotel ka la burburiyo lana boobo dhammaan hantida taala gudaha Hotel ka kadibna ay kusoo sawiraan hubka culus ee gudaha Hotel ay geliyeen subaxaan si ay u xalaalaystaan boobka hanti iyo burburinta una sumcad xumeeyaan goobta ganacsiga.

Ciidamadaas waxaa soo diray Xasan Shiikh Maxamuud asiga ayaana qaadaya masuuliyaddaas iyo wixi loo gaysto goobtaas ganacsiga.