Trump oo kahadlay duqeyntii xalay Iran ka fulisay Israel

26

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay weerarradii gantaallada ahaa ee ay Iiraan xalay ku qaaday Israa’iil, isagoo ku baaqay in dhinacyada isku haya xiisadda gobolka ay dib ugu laabtaan wadahadallada si looga hortago dagaal ballaaran oo ka qarxa Bariga Dhexe.

Trump oo wareysi siiyay Fox News ayaa sheegay in xaaladda taagan ay tahay mid khatarteeda leh, balse weli ay jirto fursad lagu gaari karo xal diblomaasiyadeed. Wuxuu si toos ah ugu baaqay dhinacyada inay “ku soo noqdaan miiska wada-hadallada oo heshiis gaaraan,” isagoo muujiyay in xal siyaasadeed uu ka wanaagsan yahay sii socoshada iskahorimaadyada militari.

Hadalka Trump ayaa yimid saacado yar kadib markii Iiraan ay sheegtay inay weerarro gantaallo ah ku qaaday gudaha Israa’iil, iyadoo ku tilmaantay tallaabadaas jawaab ay ka bixinayso weerarrada Israa’iil ka waddo Lubnaan, gaar ahaan duleedka magaalada Beirut. Weerarkaasi ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in xiisadda gobolka ay isu beddesho dagaal toos ah oo dhex mara Iiraan iyo Israa’iil.

Trump ayaa sidoo kale tilmaamay in dadaallo diblomaasiyadeed oo qarsoodi ah ay hore u socdeen, kuwaas oo uu sheegay inay aad ugu dhowaayeen heer heshiis. Wuxuu yiri:

“Waxaan aad ugu dhow nahay inaan gaarno heshiis. Waxaan horay u oran lahaa heshiiska waxaa la saxiixi doonaa Isniin, Talaado ama Arbaco, balse hadda arrimo kale ayaa socda.”

Hadalkan ayaa muujinaya in ay jireen rajjooyin ku saabsan heshiis ama is-afgarad la xiriira xiisadda gobolka ama arrimo kale oo la xiriira Iiraan, hase yeeshee weerarrada cusub ayaa laga yaabaa inay dib u dhigaan ama adkeeyaan geeddi-socodkii wadaxaajoodyada.

Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa aaminsan in Trump uu isku dayayo inuu muujiyo in weli ay jirto waddo diblomaasiyadeed oo lagu dejin karo xiisadda, xilli ay isa soo tarayaan baaqyada caalamiga ah ee ku aaddan in laga fogaado tallaabooyin horseedi kara dagaal gobolka oo dhan saameeya.