Dowladda Soomaaliya xoojisay qorshaha hub ka dhigista Caasimadda.

17

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli sii wadda howlgalka hub ka dhigista ee ka socda magaalada Muqdisho, kaas oo lagu beegsanayo goobaha ay ku sugnaayeen ciidamo taabacsan mucaaradka ee dhawaan iska horimaadyadu ku dhexmareen ciidamada ammaanka.

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi, ayaa sheegay in howlgaladu ay wali socdaan, isla markaana ujeeddadoodu tahay xakameynta iyo uruurinta hubka sharci darrada ah ee ku jira gacanta shacabka iyo kooxaha hubeysan.

“Hay’adaha amniga wali waxay wadaan howlgalka sareynta sharciga iyo xakameynta hubka sharci darrada ah. Muwaadin, haddii aad hesho xog la xiriirta hub sharci darro ah, la wadaag lambarada gaaban ee 991 ama 199,” ayuu yiri Macallin Mahdi.

Wararka laga helayo caasimadda ayaa sheegaya in howlgalka uu gaaray degmooyin iyo deegaanno horleh oo ka tirsan Gobolka Banaadir iyo duleedka Muqdisho, gaar ahaan dhanka deegaanka Jaziira, halkaas oo laga dareemay dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Howlgaladan ayaa hore uga billowday degmooyinka Howlwadaag iyo Cabdicasiis, oo ka mid ahaa goobihii ay ku sugnaayeen ciidamada mucaaradka. Intaas kadib, ciidamada ayaa u dhaqaaqay dhinaca deegaanka Gubadley, halkaas oo la sheegay inay tageen ciidamo Macawiisley ah oo daacad u ahaa Wasiirkii hore ee Amniga, Cabdullaahi Maxamed Nuur. Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamadan ay ugu dambeyn u ruqaansadeen dhanka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Inkasta oo xiisadihii maalmihii lasoo dhaafay ay sababeen walaac amni, haddana xaaladda guud ee magaalada Muqdisho ayaa haatan deggan. Dhinaca kale, waxaa socda dadaallo siyaasadeed iyo shirar lagu doonayo in lagu soo dhoweeyo dowladda iyo mucaaradka, kuwaas oo ay qeyb ka tahay dowladda Turkiga.

Indhaha ayaa hadda ku wajahan natiijada dadaallada diblomaasiyadeed ee socda, kuwaas oo lagu raadinayo xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka.