
Korneel Abuukar Cali Boonoow oo kamid ah saraakiisha milatariga Soomaaliya, isla markaana ah Taliyaya ururka 31-aad, Guutaad 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ay si kulul uga hadlay howlgal ay fuliyeen ciidamada Booliska oo u dhacay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Muqdisho.
Korneelka oo hadda ku sugan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan aagga deegaanka Qalimow ayaa sheegay in Taliska Booliska Gobolka Banaadir ee uu hoggaamiyo Macallin Mahdi uu gaari Cabdi Bile ah kala baxay gurigisa, isla markaana la geeyay talis Boolis, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay Shabelle Tv.
Boonoow ayaa tilmaamay in, iyada oo aan lagu soo wargelinin howlgalka, isla markaana aanu jirin jirin waaran maxkamadeed la weeraray gurigiisa, kadibna sidaas lagula baxay gaarigiisa.
Sidoo kale, wuxuu ku goodiyay in jawaab deg-deg ah uu ka bixin doono falka, maadaama isaga oo maqan loo daba maray gurigiisa, arrintaas oo ku tilmaamay mid sharci darro ah.
“Baaritaan ayaan ku jirnaa sababtoo sida ay wax ahaayeen inay taliskeyga kasoo baxday arrintaas iyo inay mu’aamaraad kale tahay oo dad gaar ah uu leeyahay marka aan ogaado sida ay tahay arrinta, maadaama gaariga la geeyay talis Boolis oo aan la gayn talis Milatari dib ayaan jawaab uga bixinayaa,” ayuu yiri Korneel Abuukar Cali Boonoow.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli sii wadda howlgalka hub ka dhigista ee lagu beegsanayo xaafadaha ay joogaan ciidanka mucaaradka oo dhawaan dagaalka la galay ciidamada ammaanka Soomaaliya, waxaa sidoo kale hub ka dhigis lagu sameeyay saraakiisha haysta hubka tirada badan.
“Hay’addaha amaanka wali waxa ay wadaan Howlgalkii sareynta sharciga iyo xakameyta hubka sharcidarada ah, muwaadin hadii aad xog ku soo gaarto la soo wadaag nambarada gaaban 991 amma 199,” ayuu yiri Macallin Mahdi.
Horay ciidamada ayaa howlgal hub badan lagu soo qabtay uga sameeyay degmooyinka Howlwadaag iyo Cabdicasiis oo kamid ah meelihii ay joogeen mucaaradka, kadibna howlgalka waxa uu u wareegay dhanka Degmada Gubadley oo la sheegay inay tageen ciidamo Macawiisley ah oo daacad ah wasiirkii hore amniga Cabdullahi Maxamed Nuur, kuwaas oo ugu dambeyn u baxsaday dhanka Gobolka Shabeellaha Dhexe oomarkii horeba lagu aas aasay.




















