Wararkii ugu dambeeyey dhex-dhexaadinta Turkigu ka dhex wado DF iyo mucaaradka

14

 

Muqdisho waxaa ka socda wada hadallo siyaasadeed oo heer sare ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, iyadoo dowladda Turkiga ay si rasmi ah u hoggaaminayso dadaallada dhexdhexaadinta.

Mas’uuliyiin ka socda dowladda Turkiga ayaa bilaabay kulamo xiriir ah oo ay la leeyihiin labada dhinac, kuwaas oo diiradda lagu saarayo sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka.

Wadahadalladan ayaa ka dhacaya hotel ku yaalla gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in dhinaca mucaaradka ay kulanka ku matalayaan saddex xubnood oo sare oo loo xilsaaray wada xaajoodka.

Turkiga ayaa door muhiim ah ka qaadanaya isku xirka iyo isu soo dhowaanshaha labada dhinac, isagoo gudbinaya fariimaha iyo soo jeedimaha kala duwan.

Saacadihii ugu dambeeyay, taliye ku xigeenka Sirdoonka Turkiga ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo ka shaqeynaya yareynta khilaafka iyo fududeynta wada hadallada.

Dadaallada Turkiga ayaa loo arkaa kuwa ugu culus ee haatan socda, waxaana la rumeysan yahay in natiijada ka soo baxda ay si weyn u saameyn doonto jihada siyaasadda Soomaaliya bilaha soo socda.

Kulamadan ayaa lagu tilmaamay isku day cusub oo lagu dejinayo xiisadda siyaasadeed, islamarkaana lagu raadinayo is afgarad ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.