DF oo hub culus kasoo saartay hoteelka Elite + Sawirro

13

 

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta hoteelka Elite ee magaalada Muqdisho ku soo bandhigay hub culus, kaas oo uu sheegay in lagu qabtay gudaha hoteelka.

Hubka uu soo bandhigay booliska ayaa isugu jiray hub fudud iyo kuwa culus, waxaana ka mid ahaa hub casri ah iyo agab kale oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).

Taliyaha qaybta guud ee booliska gobolka Banaadir, Macallin Mahdi oo warbaahinta kula hadlay gudaha hoteelka Elite ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali doonin in shaqsi madax hore ahaa uu haysto hub culus oo waxyeello u geysan kara amniga caasimadda.

“Hubkan waxaa laga soo qaaday hoteelka, wuxuuna ka mid yahay hubka sida sharci-darrada ah loo haystay. Ma jirto wax nagu kalifaya inaan ammaanka been ka sheegno. Hubkan waxaa lagu qabtay gudaha hoteelka,” ayuu yiri Taliye Macallin Mahdi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli sii wada howl-galka hub ka dhigista ee lagu beegsanayo mucaaradka, kuwaas oo dhawaan dagaal culus la galay ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Horey ciidamada ayaa howl-gallo lagu soo qabtay hub uga sameeyay degmooyinka Howl-wadaag iyo Cabdicasiis, oo ka mid ahaa meelihii ay joogeen mucaaradka. Kadibna howl-galka wuxuu u wareegay dhinaca degmada Gubadley, halkaas oo la sheegay inay tageen ciidamo Macawiisley ah oo daacad u ah Wasiirkii hore ee Amniga, Cabdullaahi Maxamed Nuur. Ciidamadaas ayaa ugu dambeyn aaday dhinaca gobolka Shabeellaha Dhexe, oo markii horeba kasoo kicitameen.

Si kastaba, tallaabooyinkan ayaa imanaya xilli ay socdaan shirar siyaasadeed iyo dadaallo lagu dhex-dhexaadinayo dowladda iyo mucaaradka, kuwaas oo ay qayb ka tahay dowladda Turkiga, si la isugu soo dhaweeyo labada dhinac.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, hase yeeshee waxaa laga war sugayaa natiijada ka soo baxda dadaallada haatan socda, kuwaas oo diiradda lagu saarayo sidii xal looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka, kana dhashay hannaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka dastuurka ku-meel-gaarka ah.