Kursigii Xildhibaanimo ee uu baneeyay Sheekh Aadan Madoobe oo labuuxiyay.

17

 

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qabtay doorashada kursiga HOP#189 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo bannaanaaday kaddib markii uu kursiga baneeyay Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Doorashada waxaa ku tartamay Abuukaate Maxamed Cabdiraxmaan Aadan iyo Fardoosa Cali Axmed. Inkastoo Fardoosa Cali Axmed ay ka hor codbixinta ku dhawaaqday inay u tanaasushay musharraxa ay la tartamaysay, haddana habraaca doorashada ayaa la dhammeystiray, iyadoo codbixinta loo maray gacan-taag.

Natiijada codbixinta ayaa muujisay in Abuukaate Maxamed Cabdiraxmaan Aadan uu helay 96 cod, halka Fardoosa Cali Axmed ay heshay 5 cod.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa ugu dambeyn si rasmi ah ugu dhawaaqay in Abuukaate Maxamed Cabdiraxmaan Aadan uu ku guuleystay kursiga HOP#189 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu noqday xildhibaanka cusub ee matalaya kursigaas.