Gabar Soomaali ah oo caan ka ah TikTok oo meydkeeda laga helay Magaalo ku dhaw Nairobi.

15

 

Magaalada Kiambu oo ku dhaw Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kentya ayaa meydkeeda laga helay Allaha u naxariistee Fatxi C/raxmaan oo ah Gabar Soomaali ah islamarkaana caan ka ah barta Tiktok,waxaana warar kala duwan ay ka soo baxayaan Qaabka ay u dhimatay.

Wararkii horudhaca ahaa shalay waxay sheegeen inay dabaq iska soo tuurtay balse warar maanta soo baxay ayaa sheegaya inuu jiro tuhun ah in la dilay gabadha islamarkaana si ula kac ah looga soo tuuray dabaq.

Fatxi C/raxmaan oo reer Kismaayo ah ehaladeeda ayaa dalbanaya in baaritaana lagu sameeyo kadibna la aaso taasoo qeyb ka ah nidaamka Booliiska kenya uu u shaqeeyo.

Eehalada Gabadha ayaa sheegay in Fatxi baasaboor u doonatay Magaalada Kiambu oo ku dhaw Magaalada Nairobi sida ay teelka ugu sheegtay gabar ina adeerteed ah , sidoo kale wiil la ilma adeer ah ayaaba cadeeyay in iyagoo isla jooga ay ku tiri jaakad ayaan doonayaa.

Sidoo kale Kaamirooyinka qarsoon ayaa laga arkay sida warar kale sheegayaan inay guri dabaq ah la sii galeysay rag kenyan ah iyada iyo gabar Soomaali ah taasoo xogta saxda ah laga heli doono,sidoo kale dhimashadeeda waxaa soo sheegay nin loo malenayo inuu Kenyaan yahay.

Sanadahaan danbe waxaa kenya ku soo badanaya Soomaalida la sheegayo inay dabaq iska soo tuureen xaalado kala duwan taasoo shakiyo badan laga muujinayo madaama Soomaalidu yihiin dad muslimiin ah islamarkaana lagu yaqaan dhaqamadaam dadka aan muslimka ahayn.