Itoobiya oo weli kujirta riyadeedi bad raadiska ahayd.

16

Dowladda Itoobiya ayaa mar kale muujisay sida ay uga go’an tahay inay hesho marin madax-bannaan oo Badda Cas ah, iyadoo hadallada kasoo yeeraya saraakiisheeda milateri ay sare u qaadeen walaaca laga qabo suurtagalnimada in xiisadda gobolka ay isu beddesho mid militari.

Taliyaha Ciidanka Badda Itoobiya, Admiral Kindu Gezu ayaa sheegay in dalkiisu adeegsan doono waddooyinka diblomaasiyadeed iyo kuwa sharciga ah si uu u helo marin-badeed, balse uu xusay in adeegsiga xooggu uu yahay ikhtiyaar kale oo ay haystaan.

“Dalabkayagu waa cad yahay. Waxaan aaminsanahay in shacabka iyo dowladda Itoobiya ay sameyn doonaan wax kasta oo ay awoodaan, iyagoo adeegsanaya waddooyinka diblomaasiyadeed iyo kuwa sharciga ah, si ay dib ugu helaan dekeddii aan sida sharci-darro ah u weynay,” ayuu yiri Admiral Kindu Gezu.

Waxa uu intaas kusii daray “Haddii diblomaasiyaddu fashilanto, waxaa noo hadhaya laba ikhtiyaar; Midka koowaad waa inaan si aamusan u aqbalno inaanan dib u helin xuquuqdayada Badda Cas, innagoo ah dal aan bad lahayn, isla markaana sii wajahna gaajo iyo amni-darro, inkastoo aan badda u jirno 60 kiiloomitir oo keliya. Midda kalena waa in aan xoog ugu laabanno dhulkeennii hooyo ee Badda-cas.”

Hadalka taliyaha ayaa muujinaya in hoggaanka milateriga Itoobiya uusan meesha ka saarin adeegsiga awood ciidan, haddii ay ku guuldarreystaan dadaallada ay ku doonayaan helitaanka marin ay kaga baxaan xaaladda dal aan bad lahayn.

Admiral Kindu ayaa sidoo kale ku dooday in dekedaha Casab iyo Mitisiwa ee dalka Eritrea ay taariikh ahaan ka tirsanaayeen Itoobiya, isaga oo gooni-isu-taagga Eritrea ku tilmaamay kala-tag aan caddaalad ahayn oo sharci-darro ah.