Imaam Maxamed Yuusuf oo geeriyooday

13

 

Allaha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo ka mid ahaa dhaqanka Soomaliyeed kuwooda ugu waaweyn ayaa ku geeriyooday dalka Hindiya, halkaas oo muddooyinkii dambe lagu dabiibayay xaaladdiisa caafimaad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in geerida Imaamka ay tahay mid murugo leh, isla markaana si weyn u taabatay bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxa uu ku tilmaamay Imaamka haldoor qaran oo door muuqda ka soo qaatay geeddi-socodkii nabadeynta dalka, isagoo sheegay in Imaamku kaalin muhiim ah ka qaatay dadaalladii dib-u-heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in Marxuumku uu si weyn uga shaqeeyay xoojinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle SWT uga baryay Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa,” ayaa lagu yiri dhambaalka tacsida oo lagu baahiyay bogga Villa Somalia.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Eebbe uga baryay in uu siiyo samir iyo iimaan qoyska, ehelada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuumku.

Allaha u naxariistee, Imaam Maxamed Yuusuf oo kamid ahaa dhaqanka Soomaliyeed ayaa muddo ka shaqeynayey nabadeynta bulshada iyo xoojinta midnimada, oo si weyn loogu yaqaanay.