Baarlamaanka Galmudug oo dooranaya gudoomiye iyo ku xigeeno+ SAWIRRO.

16

 

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa maanta lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada Guddoomiyaha iyo labada ku-xigeen ee Golaha Wakiillada maamulkaas, iyadoo saddexda xil ay u tartamayaan afar musharrax.

Sida uu shaaciyay Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug waxaa ku tartamaya laba musharrax oo ka kala socda Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) iyo Ururka SINCAD.

Labada xil ee Guddoomiye Ku-xigeennada Golaha Wakiillada waxaa loo diiwaangeliyay min hal musharrax, sidaas darteed ma jiri doono tartan doorasho oo ay kula jiraan musharraxiin kale. Labada musharrax ayaa ka socda Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), oo helay kuraasta ugu badan ee Golaha.

Doorashadan ayaa Galmudug u horseedi doonta Guddoomiyihii lixaad ee Golaha Wakiillada, iyadoo marka la soo gabagabeeyo doorashada guddoonka Baarlamaanka loo gudbi doono qabanqaabada doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug.