
Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa maanta si rasmi ah u doortay Guddoonka cusub ee Golaha, kadib doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Xilka guddoomiyaha ayaa waxaa loo doortay Xildhibaan ‎Xuseen Maxamed Nuur oo ka tirsan hoggaanka sare ee Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee JSP.
Sidoo kale, Cabdulqaadir Axmed Cali ayaa loo doortay Gudoomiye Ku-xigeenka Koowaad, halka Guddoomiye ku xigeenka labaad loo doortay ‎‎Mursal Cabdi Aadan.
‎
‎Doorashada kaddib, Gudoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Galmudug, Xuseen Maxamed Nuur, ayaa soo xiray kalfadhiga.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war kasoo saaray doorashadan ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada D. Galmudug, Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cabdulqaadir Axmed Cali Quuri, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Mursal Cabdi Aadan oo kusoo baxay doorashadii maanta.
Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa u rajeeyay guddoonka cusub guul iyo in ay si hufan oo xilkasnimo leh u gutaan waajibaadka loo igmaday, iyagoo mudnaanta siinaya danta guud, wadajirka iyo horumarka, waxa uuna ku booriyay in ay xoogga saaraan gudashada masuuliyaddooda, kana shaqeeyaan xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha Dowlad Goboleedka iyo horumarinta howlaha Golaha.
Sidoo kale, wuxuu bogaadiyey doorashooyinka sida nabadda iyo dimuqraadiyadda leh uga dhacay deegaannada Galmudug, isaga oo xusay in ay tallaabo muhiim ah u yihiin horumarinta hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka iyo xaqiijinta xaqa muwaadiniinta ee doorashada hoggaankooda.
Doorashadan waxaa xigi doonto midda Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo maalmaha soo socda ka dhici doonta magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Dowlad Goboleedka Galmudug.




















