Xildhibaanada cusub ee Baarlamanka Hirshabelle oo la dhaariyey

15

Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle waxaa maanta lagu qabtay munaasabadda dhaarinta xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, kuwaas oo lagu soo doortay hannaan doorasho oo qof iyo cod ah.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ka qaybgalay munaasabadda dhaarinta, taas oo calaamad u ah tallaabo cusub oo laga qaaday geeddi-socodka doorashooyinka iyo dhismaha hay’adaha matalaadda shacabka ee Hirshabeelle.

Xildhibaannada maanta la dhaariyay ayaa noqonaya xildhibaannadii ugu horreeyay ee Hirshabeelle lagu soo doorto doorasho qof iyo cod ah oo uu qabtay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Doorashada qof iyo cod waxay ka dhigan tahay in muwaadiniinta xaqa u leh codbixinta ay si toos ah u doortaan wakiilladooda, halkii lagu soo xuli lahaa hannaan dadban oo ay doorashada ku go’aamiyaan ergooyin ama xubno kooban.

Hirgelinta doorashada noocan ah ayaa muhiim u ah ballaarinta ka-qaybgalka shacabka ee siyaasadda, xoojinta matalaadda bulshada iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Dhaarinta xildhibaannadan ayaa sidoo kale u gogol-xaaraysa inay si rasmi ah u gutaan waajibaadkooda sharci-dejineed iyo matalaadda dadka ay ka yimaadeen.

Ka-qaybgalka Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee munaasabadda ayaa muujinaya doorka guddiga ee maamulka iyo hirgelinta hannaanka doorashooyinka dalka.

 

Doorashooyinka qof iyo cod ayaa ka mid ah arrimaha muhiimka u ah dadaallada lagu doonayo in shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah uga qaybqaataan doorashada hoggaankooda iyo wakiilladooda siyaasadeed.

Dhaarinta xildhibaannadan ayaa noqonaysa marxalad muhiim u ah hawlaha Golaha Wakiillada Hirshabeelle iyo horumarinta hannaanka doorashooyinka qof iyo cod ee Soomaaliya.