Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay Madaxweynaha Galmudug

30

Liibaan Axmed Xasan ayaa goordhow kusoo baxay doorashadii ka dhacday magaalada Dhuusamareeb, isaga oo si rasmi ah loogu doortay Madaxweynaha cusub ee Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Liibaan Axmed Xasan oo muddo dheer olole xooggan kusoo jiray ayaa la tartamay musharrax Cabdulqaadir Cabdullahi Diiriye oo uu ugu dambeyn kaga guuleystay tartanka doorashada Galmudug.

Sidoo kale, Liibaan ayaa kusoo baxay cod aqlabiyad leh, wuxuuna helay 72 cod, halka musharraxa kalena uu helay 14 cod, sidaas wuxuu ku noqday Madaxweynaha cusub ee Galmudug ee beddalay Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Natiijada doorashadan ayaa lasii ogaa, maadaama uu Liibaan Axmed Xasan uu taageero wayn ka haystay Villa Somalia, oo iyadu galaangal xooggan ku leh arrimaha Galmudug.

Dhanka kale, waxaa goordhow la guda-geli doonaa doorashada madaxweyne ku xigeenka, iyada oo ay si weyn ugu loollamayaan musharraxiinta kala ah Cabdisataar Maxamed Geelle iyo Cabdiweli Ibraahim Garyare oo kala metalaya xisbiga Sincad iyo JSP. Haseyeeshee waxaa guusha loo saadaalinayaa Garyare oo ka tirsan xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo horay loo siiyay kaarka musharraxnimada ee xisbiga.