DAAWO: Beesha Xawaadle oo kudhawaaqday go’aanno culus.

9

Beesha Xawaadle oo maanta shir wadatashi ku yeelatay magaalada Beledwene, isla markaana uu guddoomiyay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ayaa laga soo saary go’aanno la xiriira tabashada ay beeshu ka qabto dhismaha HirShabelle.

Ugu horreyn war-murtiyeed laga soo saaray shirka lagu sheegay in beeshu aysan aqbali doonon doorashadii dhawaan ka dhacday Jowhar ee dib loogu doortay Madaxweyne Cali Guudllaawe, halka madaxweyne ku xigeenka cusub loo doortay Cabdifitaax Xasan Afrax.

Beesha Xawaadle ayaa ku dooday in doorashadaas aysan ku dhisnayn sharciyad, wadatashi iyo rabitaanka bulshada, gaar ahaan reer Hiiraan.

Sidoo kale, beesha Xawaadle ayaa gogol u fidisay beelaha kale ee dega gobolka, siyaasiyiinta, waxgaradka iyo hoggaanka dhaqanka ee Hiiraan, si looga tashado xaaladaha soo kordhay ee deegaanka.

Waxaa kale oo ay beeshu intaas ku dartay in go’aannada masiiriga ah ee gobolka Hiiraan lagu gaari doono hannaan loo dhan yahay, isla markaana laga wada tashan doono arrintaasi.

Dhanka kale, beesha Xawaadle ayaa ku dhawaaqday inay qabaneyso dibadbax ballaaran oo 15-ka November ka dhici doono magaalada Beledweyne, si loogu muujiyo taageerada mowqifka Ugaaska guud ee beesha oo isagu hoggaaminayo dhaq-dhaqaaqyada ka socda Hiiraan.

Sida lagu caddeeyay qoraalka dhammaan ka qayb-galayaasha dibad-baxa ayaa la codsaday inay ilaaliyaan nabadda, kala dambaynta iyo hantida guud ee bulshada deegaaka.

Ugu dambayn, beesha ayaa farriin u dirtay ganacsatada iyo jaaliyadaha reer Hiiraan, iyadoo ugu baaqday inay taageero dhaqaale iyo mid bulsho ku biiriyaan dadaallada socda.