Maxaa kajira in Turkiga uu Soomaaliya u usoo dirayo kumanaan askari.

7

 

Dowladda Turkiga ayaa Khamiistii si rasmi ah u beenisay warar sheegayay inay 15,000 askari u soo direyso Soomaaliya, xilli Uganda ay billowday inay ciidamadeeda kala baxdo dalka.

Diidmada Ankara ayaa timid kaddib markii qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida ay toddobaadkii hore qoreen in dowladda federaalka ay xulafadeeda ka codsatay ciidamo dheeraad ah, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Wararkaas ayaa sheegayay in cutubyo ka tirsan ciidamada Turkiga ay Soomaaliya imaan doonaan ka hor bisha Janaayo, iyada oo la fulinayo heshiiska difaaca ee labada dal.

“Sheegashooyinka ah in Turkigu 15,000 askari u diri doono Soomaaliya, kaddib codsi uga yimid dowladda Soomaaliya, ma aha kuwo runta ka tarjumaya,” ayay tiri Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga.

Wasaaradda ayaa hadalkaas soo saartay kaddib warbixinteeda toddobaadlaha ah oo uu hoggaaminayey afhayeenkeeda, Rear Admiral Zeki Aktürk.

Waxay intaas ku dartay in ciidanka howlgalka Turkiga iyo cutubkiisa cirka ee Soomaaliya ay sii wadi doonaan tababarka iyo la-talinta ciidamada Soomaaliyeed, iyo taageerada militari ee dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan.

Diidmada wararka ku saabsan 15,000-ka askari ayaa ku soo aadaysa xilli ay socdaan kulamo sare oo u dhexeeya mas’uuliyiinta labada dal.