Fiqi oo xil muhiim ah qabanayo.

9

 

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa la filayaa inuu qabto mid ka mid ah xilalka sare ee dowladda federaalka, kaddib isku-shaandheyn kooban oo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre uu xilkaas kaga qaaday Isniintii, isaga oo ku beddelay Xildhibaan Saadaq Cumar Maxamed Xasan (Saadaq Joon).

Ilo siyaasadeed oo xog-ogaal u ah wada-hadallada ka socda magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Fiqi loo badinayo inuu beddelo Abshir Bukhaari—oo ka soo jeeda beesha Saleebaan—si uu u noqdo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada.

Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in looga hortago in beesha Saleebaan ay yeelato saddex kursi oo wasiirro federaal ah, maadaama Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Cabdiraxmaan Al-Cadaala, uu isna ka soo jeedo beeshaas.

Il wareed kale oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in Fiqi sidoo kale loo tixgelinayo xilka La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha, inkastoo xubno ka tirsan Villa Somalia ay sheegeyn in aysan u badneyn dhankaas.