
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ku soo bandhigtay baasaboorka cusub ee elektaroonigga ah ee jiilka saddexaad, kaas oo lagu sameeyay tiknoolajiyad casri ah iyo habab amni oo sare, si loo xoojiyo kalsoonida dukumentiyada safarka Soomaaliya, loona waafajiyo halbeegyada caalamiga ah iyo kuwa gobolka Bariga Afrika.
Soo bandhigista baasaboorkan ayaa ka dhacday shir ay magaalada Kampala ku yeesheen madaxda hay’adaha socdaalka iyo jinsiyadaha ee dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo diiradda lagu saarayay horumarinta nidaamyada socdaalka, mideynta dukumentiyada aqoonsiga iyo fududeynta isu-socodka muwaadiniinta dalalka gobolka.
Wafdiga Soomaaliya ee shirka ka qaybgalay waxaa hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Xuseen Qaasim Yuusuf, kaas oo sheegay in Soomaaliya ay shirka ku soo bandhigtay saddex nooc oo baasaboorka cusub ah, kuwaas oo kala ah baasaboorka caadiga ah ee muwaadiniinta, baasaboorka adeegga ee loo yaqaan (Service Passport) iyo baasaboorka diblomaasiga ah ee ay isticmaalaan madaxda iyo diblomaasiyiinta dowladda.
Agaasimaha Guud ayaa sheegay in tusaalooyinka baasaboorka cusub ee Soomaaliya la gaarsiiyay madaxda hay’adaha socdaalka ee dalalka xubnaha ka ah EAC ay si wanaagsan u soo dhoweeyeen, taas oo muujinaysa horumarka ay Soomaaliya ka samaysay casriyeynta nidaamkeeda socdaalka iyo dukumentiyada aqoonsiga.
Wuxuu tilmaamay in soo dhoweynta ay madaxda gobolka u muujiyeen baasaboorka cusub ay tahay natiijo muhiim ah oo ka dhalatay ka qaybgalka Soomaaliya ee shirkan, maadaama ay fursad u siisay dalka inuu dalalka kale tuso awoodda iyo tayada dukumentiyada cusub ee uu hirgelinayo.
Dhanka kale, Soomaaliya ayaa shirka ku soo bandhigtay kaarka aqoonsiga qaranka oo leh awood mashiin lagu akhrin karo (Machine Readable), kaas oo qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu dhisayo nidaam mideysan oo lagu xaqiijiyo aqoonsiga muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Xuseen Qaasim ayaa sheegay in kaarka aqoonsiga qaranka uu mustaqbalka yeelan karo muhiimad dheeraad ah, isla markaana loo adeegsan karo dukumenti safar oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku geli karaan siddeedda dal ee xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika, taas oo haddii la hirgeliyo fududeyn karta isu-socodka dadka, ganacsatada iyo shaqaalaha Soomaaliyeed ee gobolka.
Hase yeeshee, wuxuu caddeeyay in arrintaasi aysan weli ahayn adeeg si rasmi ah u dhaqan galay, balse ay ku xiran tahay dhammaystirka siyaasadaha, xeerarka iyo heshiisyada ay dalalka xubnaha ka ah EAC ka gaarayaan aqoonsiga kaararka aqoonsiga qaranka iyo u adeegsiga dukumentiyada safarka.




















