
Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, gaar ahaan Saldhigga Degmada Cabdicasiis, ayaa gacanta ku dhigay afar eedeysane oo lagu tuhunsan yahay inay ku kaceen falal ka dhan ah anshaxa iyo akhlaaqda suuban, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay laamaha ammaanka.
Booliska ayaa sheegay in eedeysanayaashan ay baraha bulshada ku baahiyeen muuqaallo lagu tilmaamay kuwo xambaarsan dhaqan aan waafaqsanayn qiyamka Islaamka iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed. Muuqaalladan ayaa la sheegay inay si weyn ugu faafeen baraha internet-ka, taasoo keentay in laamaha ammaanku ay bilaabaan baaritaanno lagu raadinayo dadkii ka dambeeyay.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dhammaan dadka la qabtay ay hadda ku jiraan gacanta ciidamada ammaanka, isla markaana ay ku socdaan baaritaanno ballaaran oo lagu xaqiijinayo eedeymaha loo haysto iyo cid kasta oo arrintan ku lug yeelan karta.
Mas’uuliyiinta Booliska ayaa xusay in marka ay soo dhammaato baarista kiiska, eedeysanayaasha loo gudbin doono hay’adaha garsoorka si loo marsiiyo nidaamka sharciga ee dalka.
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale fariin adag u diray dhalinyarada isticmaasha baraha bulshada, iyagoo ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawacaya anshaxa, akhlaaqda iyo dhaqanka suuban ee bulshada Soomaaliyeed.
Laamaha ammaanka ayaa caddeeyay in tallaabooyin sharci ah laga qaadi doono qof kasta oo lagu helo falal la xiriira faafinta waxyaabo ka hor imanaya qiyamka bulshada, iyagoo sheegay inay sii xoojin doonaan la socodka iyo dabagalka waxyaabaha lagu baahiyo baraha bulshada.
Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada ay dowladda iyo hay’adaha ammaanku ku xoojinayaan la dagaallanka falalka loo arko kuwo wax u dhimaya anshaxa bulshada, iyadoo masuuliyiintu ku baaqayaan in baraha bulshada loo adeegsado si masuuliyad leh oo waafaqsan sharciga iyo dhaqanka dalka.




















