Mucaaradka oo weli kuheshiin la’ inay keensadaan gudi midaysan.

18

Xogaha laga helayo dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ayaa muujinaya in mucaaradka ka qeyb geli doona wadahadallada la filayo inay dhacaan ay soo dhiseen guddi ka kooban shan xubnood, kuwaas oo matali doona garabyada kala duwan ee mucaaradka inta lagu guda jiro wada-xaajoodyada dowladda Federaalka.

Sida wararku sheegayaan, guddigan ayaa waxaa min hal xubnood ku leh maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, halka saddexda xubnood ee kale ay ka socdaan Isbahaysiga Samatabixinta Soomaaliyeed oo uu hormuud u yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.

Dhismaha guddigan ayaa imanaya xilli ay socdaan dadaallo xooggan oo lagu doonayo in dowladda Federaalka iyo mucaaradku ay yeeshaan wadahadallo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka, amniga, dastuurka iyo jihada siyaasadeed ee dalka.

Kulamadan ayaa loo arkaa kuwo muhiim u ah dejinta xiisadaha siyaasadeed ee soo noqnoqday bilihii la soo dhaafay, gaar ahaan khilaafaadka la xiriira hannaanka doorashada iyo habka loo wajahayo geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.

Ilo siyaasadeed ayaa sheegaya in mucaaradku doonayo inuu la yimaado mowqif mideysan si ay awood ugu yeeshaan inay miiska wadahadallada ku soo bandhigaan aragti wadajir ah oo ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in dowladda Turkiga, oo ka mid ah dalalka si dhow ula socda xaaladda Soomaaliya, ay soo jeedisay in hal xubin lagu daro guddiga si uu u matalo garabka siyaasadeed ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Soo jeedintan ayaa la sheegay inay qayb ka tahay dadaallada lagu doonayo in dhammaan dhinacyada saamaynta ku leh siyaasadda Soomaaliya ay helaan matalaad ku filan inta lagu jiro wadahadallada.

Hase yeeshee, wararku waxay sheegayaan in qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka ay ka biyo diideen fikraddaas, iyagoo qaba in qaab-dhismeedka guddiga hadda la isku raacay aanu u baahnayn wax isbeddel ah.

Muran hoose ayaa ka dhex muuqda qaar ka mid ah kooxaha mucaaradka oo ku saabsan cidda si rasmi ah u matalaysa mucaaradka iyo sida loo qaybsanayo kuraasta guddiga. Qaar ayaa aaminsan in ka qaybgalka garabka Farmaajo uu ballaarin karo matalaadda mucaaradka, halka kuwo kalena ay ka cabsi qabaan in arrintaasi ay dib u dhigto ama adkayn karto in la gaaro mowqif mideysan.

Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa sheegaya in guusha wadahadallada ay si weyn ugu xirnaan doonto awoodda mucaaradka ee ay ku mideysan karaan aragti siyaasadeed oo wadajir ah, iyo sida dowladda Federaalka ay ula macaamisho dalabaadka iyo tabashooyinka dhinacyada kasoo horjeeda.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan jadwalka wadahadallada iyo ajandayaasha rasmiga ah ee laga doodi doono.

Siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn isha ugu haya kulamadan, kuwaas oo loo arko inay saameyn ku yeelan karaan jihada siyaasadeed ee dalka iyo hannaan kasta oo lagu wajahayo doorashooyinka soo socda.

Wadahadalladan ayaa noqon kara kuwo go’aamiya heerka iskaashiga u dhexeeya dowladda Federaalka, maamul-goboleedyada iyo mucaaradka, xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah oo u baahan isu-tanaasul iyo wada-hadal siyaasadeed.