Ciidamada Laftagareen oo gudaha u galay Buurhakaba.

11

 

Ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo saaka weerar ku qaaday degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa la wareegay gacan ku haynta degmadaasi oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed.

Dagaal qaraar oo ka dhacay gudaha Buurhakaba ayaa waxaa kadib maleeshiyaadka u suuragashay inay si buuxda gacanta ku dhigaan degmadaasi ooq qiyaastii illaa 60 KM u jirta magaalada Baydhaba, oo ah xarunta ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale, muuqaalo ku baahan baraha bulshada ayaa muujinayo wasiirro ka tirsan maamulkii Lafta-gareen oo ku sugan bartamaha magaalada, kuwaas oo qayb ka ahaa dagaalka ka dhacay halkaasi, waxayna xaqiijiyeen inay la wareegeen maamulka degmada.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga daareemayaa gudaha iyo daafaha degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Waa degmadii labaad oo todobaad gudihiisa u gacan gacan gasha ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), kuwaas oo Jimcihii la wareegay degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay oo iyana qiyaastii 90 KM u jirta magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

La wareegidda degmooyinka Buurhakaba iyo Qansaxdheere ayaa kusoo aadeysa xilli maamulka Koonfur Galbeed uu wajahayo xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni, kuwaas oo la xiriira loollanka hoggaanka maamulka iyo dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan dhinacyada isku haya maamulka.