Dowladda Soomaaliya oo soo ceshatay nidaamka tikidhada ee (IATA).

14

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay dib u soo ceshatay nidaamka tikidhada duullimaadyada ee Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA), sida uu shaaciyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamed Faarax Nuur.

Wasiirka oo warbixin siiyay Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa sheegay in wasaaraddu ku guuleysatay dib u soo celinta nidaamkan, kaas oo dalka u suuragelinaya inuu si rasmi ah uga qayb qaato maamulka iyo la socodka tikidhada duullimaadyada.

Tallaabadan ayaa lagu bogaadiyay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, waxaana lagu boorriyay inay dardargeliso gudashada waajibaadka horyaalla, si loo xaqiijiyo hirgelinta faa’iidooyinka laga filayo nidaamkan.

Soomaaliya ayaa 30-kii Abriil 2026 tijaabisay nidaamkan, kaas oo lagu hubinayo saxnaanta tikidhada iyo la socodka dakhliga ka soo xarooda. Ururka IATA oo la aas-aasay sannadkii 1945-kii, ayaa nidaamkan u adeegsada isku-dubbaridka adeegyada tikidhada iyo hawlaha shirkadaha diyaaradaha.