
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo maanta si rasmi ah u daah-furay Shirweynaha Qaran ee Ka-hortagga iyo La-dagaallanka Fikirka Xagjirka ah ayaa ka sheekeeyay sida uu uga badbaaday qaraxii Zoobe oo dhacay maanta oo kale 9 sano kahor, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 587 qof, halka boqolaal kale ay ku dhaawacmeen.
Xamza ayaa shaaca ka qaaday in maanta oo kale 14-kii Oktoobar 2017, ay kooxda Al-Shabaab dalka ka fulisay muusibadii weynayd ee ay ku dhibaateeyeen kumanyaal shacab ah, halka boqollaalna ay ku dhinteen, taasi oo indhaha bulshada tustay in aysan dhaqanka kooxdu diin islaam shaqo ku lahayn, taas beddelkeeda ay u adegayaa cadowga ummadda Soomaaliyeed.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inuu kamid ahaa dadkii ka badbaada qaraxaas, isaga oo tilmaamay inuu ku sugnaa gurgiisa oo 200 oo tallaabo u jira isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Waxa uu intaas ku daray in gaarigii qarxay uu soo dhaafay, isla markaana uu si dirqi ah uga badbaaday, isaga oo xusay in gurigii uu xilligaas degganaa uu ku dumay qaraxa.
“Dadkii Illaahay ka badbaadiyay baan ka mid ahaa, meeshaas markaas baan maray, guri aan degennaa oo 200 tallaabo u jira meesha wax ka dhaceen ayaan tagay, markii uu qaraxa dhacay dhulka ayaan ku dhacay, baabuur ordayana illaahay baa I dhaafiyay, gurigii waa uu dumay, dhammaanteen dadkii ka badbaaday baan nahay,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in markii ay xukuumaddiisa la-wareegtay talada dalka ay xoogga saartay in Culimada Soomaaliyeed bulshada u caddeeyaan aragtida gurracan ee Khawaarijta, kadib kulankii isugu yimaadeen ay soo saareem fatwo ay ku xaqiijinayaan in kooxaha argagixisada ah ay ku sifoobeen dhaqankii iyo ficilkii Khawaarijta, isla markaana ay waajib tahay in loola diriro fikir, ahaan awood iyo hab walba oo loo ciribtiri karo.
Waxaa kale oo uu intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay xoogga saartay ciribtirka kooxaha Khawaarijta awood ahaan iyo fikir ahaanba taasi oo sababtay in maanta dadka Soomaaliyeed ay ku baraarugaan in fikirka kooxdaas uu halis ku yahay jiritaankooda ummadnimo iyo dowladnimo.





















