
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay jadwalka doorashada guddoonka Golaha Wakiillada, hoggaamiyaha iyo ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug.
Sida jadwalka uu guddigu soo saaray, 13-ka Oktoobar 2026 ayaa la shaaciyay Golaha Wakiillada Galmudug, halka 14 iyo 15-ka Oktoobar loo asteeyay diyaar-garowga xildhibaannada.
16-ka Oktoobar ayaa la qabanayaa dhaarinta xildhibaannada Golaha Wakiillada, halka 17-ka Oktoobar la qabanayo araajida musharraxiinta u tartamaya guddoonka iyo ku-xigeennada Golaha.
Doorashada guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug ayaa la qabanayaa 18-ka Oktoobar 2026.
Dhanka doorashada hoggaamiyaha iyo ku-xigeenka Galmudug, guddigu wuxuu sheegay in araajida musharraxiinta la qaban doono 19 iyo 20-ka Oktoobar, halka 21-ka Oktoobar ay musharraxiintu jeedin doonaan khudbadahooda.
Doorashada hoggaamiyaha iyo ku-xigeenka Galmudug ayaa la qabanayaa 22-ka Oktoobar 2026, sida ku cad jadwalka uu soo saaray Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.
























