DAAWO:Madaxweyne Xasan Sheekh oo Baydhabo tagay

47

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba, xarunta gobolka Baay, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), iyo masuuliyiin kale.

Markii uu Madaxweynaha ka degay garoonka diyaaradaha ee Baydhaba, waxa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida ee loo diyaariyay soo dhaweyntiisa, waxaana kadib loo galbiyay Qasriga Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Safarka Madaxweynaha ayaa la xiriira ka qaybgalka munaasabadda caleemo-saarka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Madoobe, taas oo maanta ka dhacaysa magaalada Baydhaba, isla markaana ay ka soo qaybgalayaan madax heer federaal iyo heer dowlad goboleed, wafuud kala duwan iyo marti sharaf kale.

Saaka waxaa sidoo kale Baydhaba gaaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, oo hoggaaminayay wafdi ay ku jiraan wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan, kuwaas oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada.

Magaalada Baydhaba waxaa haatan ku sugan madaxda Dowlad Goboleedyada HirShabeelle iyo Puntland, Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, iyo masuuliyiin kale oo dhammaantood ka qaybgalaya munaasabadda caleemo-saarka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed.