Madaxweynayaasha maamul-goboleedyada HirShabelle iyo Waqooyi Bari ayaa galabta gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Madoobe ayaa labada Madaxweyne ee Cali Guudlaawe iyo Cabdulqaadir Firdhiye kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud, iyada oo kadib loo galbiyay madaxtooyada.
Ujeedka hoggaamiyeyaasha HirShabelle iyo Waqooyi Bari ayaa ah ka qayb-galka xafladda caleema saarka Aadan Madoobe oo dhawaan ku guuleystay doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee caleema saarka ayaa hadda ka socota Baydhaba, waxaana goor sii horreysay oo maanta ah gaaray mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim oo ay weheliyaan wafdi xildhibaanno ah ayaa kamid ah ms’uuliyiinta maanta gaaray magaalada Baydhaba.
Sidoo kale, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku qulqulaya caasimada KMG ah ee Koonfur Galbeed, si ay goobjoog u noqdaan munaasabadda.
Si kastaba, Xafladda caleemo-saarka Sheekh Aadan Madoobe ayaa lagu wadaa inay noqoto mid si weyn loo soo agaasimay, iyadoo magaalada Baydhaba ay haatan martigelinayso wufuud iyo mas’uuliyiin u socda ka qeyb-galka munaasabadda.




















