
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xalay dagaal la galay ciidamo taabacsan Milkiilaha Hotel Elite sodon jir Sodon Milyan haysta, Cabdullaahi Maxamed Nuur, kuwaas oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho kuna wajahnaa deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamada lala xiriirinayo Cabdullaahi Maxamed Nuur ay wateen illaa sideed gaari oo dagaal, isla markaana ay ka dhaqaaqeen degmada Gubadley ee gobolka Banaadir.
Dhaq-dhaqaaqan ayaa yimid kadib markii ay ka war heleen in ciidamo ka tirsan Booliska Gaarka ah ee Haramcad ay ku soo wajahan yihiin si ay hub ka dhigis ugu sameeyaan.
Ciidanka xoogga dalka ee ka hawlgala koonfurta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa lagu wargeliyay dhaq-dhaqaaqa ciidamadaas, waxaana la sheegay inay xireen waddooyinka mara deegaannada Ceel-Bashaqle iyo Qorilow oo hoos taga degmada Warsheekh.
Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamada taabacsan Cabdullaahi Maxamed Nuur ay markii dambe ku dhaceen jidgooyo loogu diyaariyay aagga Bashaqle.
Intaas kadib ayaa la sheegay in dagaal kooban uu halkaas ku dhex maray labada ciidan, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay iska horimaadkaasi.
Sidoo kale, weli ma cadda halka uu ku dambeeyay masiirka guud ee ciidamadii hubka la baxay, iyadoo wararka arrintaasi la xiriira ay kala duwan yihiin.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qayb ka mid ah ciidamadaasi ay gaareen degmada Cadale, halka warar kale ay sheegayaan inay gaareen degmada Raage Ceelle.
Xogo kale ayaa iyaguna sheegaya in saddex gaari laga qabsaday ciidamadaasi, iyadoo aan la ogeyn halka ay aadeen gaadiidkii iyo ciidamadii kale.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaan weli wax war ah ka soo saarin isku daygan ugu dambeeyay ee lagu doonayay in hubka looga ururiyo xoogag ka amar qaata Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo sidoo kale ah milkiilaha Hotel Elite ee xeebta Liido.



















