
Waxaa maanta deegaannada HirShabelle iyo Galmudug ka bilowday doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiilada iyo Deegaanka, iyadoo saaka ay shacabka u darareen goobaha cod-bixinta, si ay u doortaan xildhibaannada matalaya.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa si rasmi ah u furay doorashooyinkan, iyada oo tan Galmudug ay tahay ku celis, halka HirShabelle ay tahay markii ugu horreysay ee ay galeyso doorashooyin qof iyo cod ah.
Cabdikariin Axmed Xasan ayaa shaaca ka qaaday in HirShabelle ay doorashooyinku ka dhacayaan 10 degmo, halka Galmudugna loo qorsheeyay illaa 11 degmo, halkaas oo la geeyay shaqaale kumaan kun ah oo ka shaqeynaya habsami u socodka doorashooyinka.
Sidoo kale, ammaanka guud ee magaalooyinka Galmudug iyo HirShabelle ayaa aad loo adkeeyay iyadoo la xadiday isu socodka gaadiidka ee labada maamul, si looga hortago in la carqaladeeyo amniga doorashada.
Magaalooyinka sida wayn isha loogu hayo ayaa waxaa kamid ah Beledweyne oo ay xiisad xooggan ka taagan tahay, waxaana saaka la geliyay bandow, iyadoo sidoo kale lagu arkayo ciidamo dheeraad ah oo la geeyay goobaha loo qorsheeyay doorashooyinka.
Xaaladda guud ee labada maamul ayaa hadda deggan, waxaana la sugayaa natiijtada doorashooyinkan oo ay ku tartamayaan illaa dhowr urur siyaasadeed oo isku diiwaangeliyay.
Galmudug ayaa la filayaa inuu isbeddal ka dhaco, ‘kuna soo baxo Liibaan Axmed Xasan’ oo ay wadato Villa Soomaaliya, halka HirShabelle mar labaad la saadaalinayo ‘inuu hoggaamiyo Cali Guudlaawe’ oo isna taageerada ugu badan ka helayo madaxda Dowladda Federaalka.
Si kastaba, horay doorashooyin kuwaan lamid ah waxay uga dhaceen Koonfur Galbeed, iyadoo lagu soo doortay hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe.




















