Duulimaadyo Garowe iyo Muqdisho oo manta buuq kadhashay.

9

Duulimaadyada Maxaliga ah ee u kala bixi jirey Muqdisho Iyo Puntland ayaa saaka baaqday, kadib markii Dowlada Soomaaliya amartay in rakaabka gudaha dalka u kala safraya ay khasab ku tahay haysashada Kaarka Aqoonsiga ee ay bixiso Hay’adda NIRA.

Diyaaradda Freedom Airlines oo saaka lahayd duulimaad Garowe-Muqdisho Ilaa Nairobi ah ayaa dadkii raaci lahaa kasoo noqdeen Garoonka Diyaaradaha ee Garowe.
Puntland lagama qaadan Kaarka Aqoonsiga maadaama hay’adda bixisaa aysan xafiisyo ku lahayn.

Dad badan oo isugu jira kuwo shaqo u socda iyo qaar xaalado caafimaad u aadi lahaa Muqdisho iyo Nairobi ayaa saaka baaqday.

Dowlada Puntland ayaan weli war kasoo saarin arintan, sidoo Kale shirkadda Freedom ma wargelin inta badan macaamiisheeda in duulimaadku baaqday.