
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa dhexdooda ka doodaya 2 hanaan/cayn doorasho oo ay alifeen, Taas oo ay doonayaan in ay hadii ay isku raacaan ku bandhigaan shirarka dhexdhexaadin ee u dhaxeyn doona Villa Somalia iyo golaha Mustaqbalka, waxaana 2da habraac, sida aan horey u sheegnay ay leeyihiin 2 guddi doorasho, deegaan doorashooyin badan, Ergooyin cod dhiibasho ilaa Diwaangalin furan “Mid kastaaba muuqaalka ayuu uga e’eg yahay doorasho Dad-ban oo wax lagu kordhiyey uun”
1- Nooca 1aad waa in kursi kasta ay u codeyso 301 Ergay, 2 guddi maamulaan, goobo kale duwan oo Dowlad gobaleedka ah ay ka dhacdo, laguna ebyi karro 90 maalmood.
2- Nooca 2aad, waa mid u muuqaal e’eg doorasho Toos ah, 2 guddi doorasho oo 2da heer ah ayaa kala maamulaya, 90 cisho ayaa lagu soo dhameystirayaa, Dadweyne la diwaangaliyey ayaa safaf galaya oo codeynaya, laakiin kursiga waxaa ku tartami kara oo kaliya musharaxiinta beesha iska leh.
Labada Hanaanba wali waxay ku jiraan doodaha dhexyaala golaha Mustaqbalka, iyadoo habraacyada mid kastaba gaarkiisa loo sharaxayo, waxaana la filayaa in ay kahor dhammaadka todobaadkan ay dhinacyadu go`aan kama dambeys ah qaataan.




















