Hargaysa oo yeelay Maayir cusub.

39

Golaha deegaanka magaalada Hargeysa ayaa maanta si rasmi ah xilkii uga qaaday maayirkii caasimadda Somaliland, Cabdikariin Axmed Mooge iyo ku-xigeenkiisii Khadar Axmed Cumar.

Xil ka qaadista labada mas’uul ayaa imaneysa kadib mooshin laga gudbiyay, iyadoo lagu eedeeyay xil gudasho la’aan iyo arrimo kale oo la xiriira maamulka shaqada.

Fadhi ay saaka yeesheen mudaneyaasha golaha deegaanka Hargeysa ayaa lagu ansixiyay xil ka qaadista labada mas’uul. Ku dhawaad 10 xubnood oo goobjoog ahaa fadhigii maanta ayaa u coddeeyay xil ka qaadista maayir Mooge.

Cabdikariin Axmed Mooge iyo Khadar Axmed Cumar ayaa xilalka maayirka iyo ku-xigeenka loo doortay 17-kii June 2021, xilligaas oo ay kasoo kala baxeen xisbiyadii mucaaradka ahaa ee Waddani iyo UCID oo markaas xulafo ahaa.

Inkasta oo Cabdikariin Axmed Mooge uu hore u sheegay inuu qorsheynayay inuu xilka iska casilo, haddana golaha deegaanka ayaa saaka deg-deg uga qaaday xilkii ka hor inta uusan si rasmi ah ugu dhawaaqin inuu jagada baneeyay.

Kadib xil ka qaadistaasi, golaha deegaanka Hargeysa ayaa isla maanta doortay maayirka cusub ee caasimadda, waxaana xilka loo doortay Eng. Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Wiiwaa), halka ku-xigeenkiisana uu noqday Eng. Aadan Jaamac Xaddi (Mideeye).

Labadan mas’uul ayaa si rasmi ah u hoggaamin doona maamulka caasimadda Hargeysa labada sano ee soo socota. Eng. Wiiwaa ayaa kamid ahaa mudaneyaashii xisbiga Waddani uga soo baxay degmada Hargeysa doorashadii 2021, halka Eng. Mideeye uu isaguna kasoo baxay xisbiga Kulmiye.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in garabka musharrax Khadar Nuur oo la tartamayay xilka maayirka aysan kasoo xaadirin goobta doorashada, taas oo hadal-heyn siyaasadeed dhalisay.

Si kastaba, Cabdikariin Mooge ayaa noqonaya maayirkii koowaad ee magaalada Hargeysa soo mara ee xilka ay ka qaadaan golaha deegaanka caasimadda Somaliland tan iyo markii ay qaadatay nidaamka dimuqraadiyadda.