DAAWO: Xildhibaan Gamaadiid ” Wasiir Jaamac isagoo Alshabaab ah ayuu hore iskugu dayay inuu dilo Shariif Sh.Axmed”

50

Xildhibaan Yuusuf Gamaadiid oo ka tirsan Mucaaradka Dowlada ayaa jawaab culus wuxuu ka bixiyay qoraal kooban oo bartiisa Facebook uu soo dhigay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Somalia kaasoo loo yaqaan Wasiir Jaamac.ama madaxaa na furan.

Wasiirka oo ka mid ah kuwa aadka ugu dhaw dhaw Madaxweyne Xasan ayaa hadalada mucaaradka ee shalay doraad wuxuu ku tilmaamay mid caruurta oo kale

Xildhibaan Yuusuf Gamaadiid oo u jawaabayay ayaa ku qaaday weerar afka ah xili uu waliba ku tilmaamay Alshabaab inuu ka tirsan yahay,sidoo kalana uu ziligii Madaxweyne Shariif ee Dowladii kumeeel gaarka ahayd uu isku dayay inuu dilo

“Wasiir Jaamac isagoo Alshabaab ah oo Shekh Shariif in uu dilo loosoo diray ayay ciidanka amaanku qabteen kadibna ayadoo latoogan rabo ayuu Madaxweyne Shariif amray in la daayo,walibana waxbarasho turki ah ayuu u diray,”ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Gamaadiid

Xildhibaanka wuxuu dhanka kale wax lala yaabo ku tilmaamay in ninkii noloshiisa loo bad-baadiyay inuu maanta caayo Ninkii bad baaday ee wax barashadana u direy.