DAAWO :Taliyihii hore ee ciidanka Booliska Galmudug oo diiday inuu xilka wareejiyo.

40

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya inuu cirka isku sii shareerayo khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug, kadib markii taliyihii dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ee Khaliif Cabdulle, uu diiday inuu xilka wareejiyo.

Maanta ayaa magaalada Dhuusamareeb lagu qabtay munaasabad uu xilka kula wareegayay taliyaha cusub ee booliska Galmudug, Korneyl Maxamed Daahir, kaas oo ay Dowladda Federaalka u magacawday hoggaanka ciidamada booliska maamulkaasi. Xafladda waxaa goobjoog ka ahaa taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) iyo masuuliyiin kale.

Hase yeeshee, Taliye Khaliif Cabdulle oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa diiday inuu ka qeyb galo munaasabadda islamarkaana uu si rasmi ah xilka ugu wareejiyo taliyaha cusub ee Muqdisho laga soo magacaabay.

Arrintan ayaa loo fasirtay inay qeyb ka tahay khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug, kaas oo maalmihii lasoo dhaafay gaaray heerkii ugu sarreeyay, iyadoo dowladda dhexe ay dhawaan shaacisay inay si toos ah ula wareegtay hoggaanka dhammaan ciidamada Galmudug.