Kenya oo Argagaxiso kushaabadaysa laba wariye oo somali ah.

9

 

Ciidanka la dagaallanka Argagixisada ee dalka Kenya ayaa maanta baahiyay xog tibaaxaysa in ay raadinayaan wariyayaasha caanka ah ee kala ah; Macruuf Xaaji iyo Axmed Siciid. Ciidanka ayaa codsaday in cidii xog ka haysa ay la wadaagto.

Dowladda Soomaliya oo war-saxaafaded ka soo saartay ayaa eedamayhan ku tilmaantay kuwo waxba kama jiraan ah. Dowladda Soomaliya waxay sheegtay in la doonayo sumcad dilka wariyayaashan Soomaliyed. Dowladda Soomaliya ayaa sheegtay in ay difaacayso sharafra muwadiniinteda, islamarkaana lagu daba jiro hawshan.

Wasaaraddu waxay si cad u beenisay eedeymaha loo jeediyay Axmed Saciid iyo Macruuf Xaaji, kuwaas oo sawirradooda lagu baahiyey barta Counter Terrorism Policing KE, arrintaas oo dhalisay falcelin xooggan.

Soomaaliya ayaa sidoo kale ku dooday in eedeymahan oo aan sal iyo raad toona lahayn lagu dhaawacayo sumcadda suxufiyiinta, xorriyadda hadalka iyo ammaankooda.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay baaritaan ku waddo akoonkaas iyo shaqsiyaadka ka dambeeyay arrintaas, si tallaabo sharci ah looga qaado cid kasta oo lagu helo inay mas’uul ka tahay faafinta wararka been-abuurka ah.

“Iyadoo la kaashanaysa hay’adaha ay arrintani khusayso, Wasaaraddu waxay waddaa baaritaan ku saabsan akoonkaas iyo shakhsiyaadka ka dambeeya, iyadoo ujeeddadu tahay in tallaabooyin sharci oo ku habboon laga qaado cid kasta oo mas’uul ka ah faafinta xogta beenta ah,” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda, karaamada iyo badbaadada saxafiyiinta dhammaan suxufiyiinta Soomaaliyeed.