
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladdiisu aysan oggolaan doonin in dalka laga sameysto saldhigyo shisheeye oo loogu adeegayo dagaallo dadban, isagoo sheegay in la joojiyey heshiiskii difaaca iyo amniga ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
Wareysi uu siiyey Sky News, ayuu madaxweynuhu kaga hadlay loollanka quwadaha shisheeye ee Geeska Afrika, xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi, arrinta Somaliland iyo xiisadaha ka jira gobolka.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya aysan fursad siin doonin dalal doonaya inay gudaha dalka ka sameystaan saldhigyo ay uga fushadaan dano militari ama dagaallo dadban. Waxa uu sidoo kale ku dooday in hawlo ay Imaaraadku gudaha Soomaaliya ka fulinayeen iyaga oo aan oggolaansho ka haysan dowladda federaalka ay yihiin kuwo aan sharciyeysneyn.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale Israa’iil ku eedeeyey inay Somaliland ka leedahay dano militari, gaar ahaan doonista saldhig badeed oo ku dhow Badda Cas. Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay si cad uga soo horjeeddo gooni-isu-taagga Somaliland, isla markaana ay weli diyaar u tahay wada-hadal ay la yeelato hoggaankeeda.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in arrinta Somaliland ay ka duwan tahay xaaladda Puntland iyo Jubaland, isagoo xusay in labadaas maamul aysan doonayn inay Soomaaliya ka go’aan. Waxa uu sidoo kale muujiyey rajo ah in Mareykanku sii wadi doono mowqifkiisa ku aaddan midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.




















