
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta cunaqabatayn maaliyadeed kusoo rogtay madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo 9 xubnood oo kale oo kamid ah saaxibadiisa ku kala sugan duleedka Baydhaba iyo magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.
Kooxdan ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay ku eedeysay inay ku lug leeyihiin maalgelinta iyo taageeridda Al-Shabaab, kadib weerarradii ay kusoo qaadeenmagaalada Baydhaba, kuwaas oo loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.
Guddiga Qaran ee ka-hortagga lacag-dhaqidda iyo la-dagaallanka maalgelinta Argagixisada oo soo saaray war-saxaafadeed ayaa liiska cunaqabataynta maaliyadeed ee Cayiman ku daray shakhsiyaadkan oo haatan dagaal adag kula jiray maamulka Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, guddiga ayaa shaaca ka qaaday winay ka go’an xoojinta dadaallada lagu ciribtiraayo maalgelinta argagixisada, laguna adkaynaayo hirgelinta cunaqabataynta maaliyadeed ee cayiman, si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida dalka.
Xubnaha cunaqabateynta la saaray ayaa kala ah;- 1-Abdiaziz Hassan Mohamed (Laftagareen) 2- Hassan Abdulkadir Mohamed 3- Mahad Abdirahman Adan (Shub) 4- Ibrahim Adan Ali (Najah) 5- Hassan Abdi Mohamed (Ugaas Hassan) 6-Abdullahi Ali Watiin 7-Abdifatah Mahad Abdirahman 8-Abdimajid Mowlid Hassan 9-Amiin Mad Daruur 10-Abshir Aden Isak.
Dhanka kale, Guddiga Qaran ee ka-hortagga lacag-dhaqidda iyo la-dagaallanka maalgelinta Argagixisada ayaa uga digay muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo hay’adaha kale inay xiriir la sameeyaan ama la macaamilaan shaqsiyaadkan, waxaana lasoo saaray qodobbada hoose;-
1) Waxaa ka reeban in ay la macaamilaan shaqsiyaadka ku jira liiskan 2) Waxaa waajib ku ah in ay xayiraan hanti kasta ay leeyihiin shaqsiyaadka ku xusan liiskan; 3) Waxaa sidoo kale waajib ku ah in warbixin deg deg ah ee dhaqdhaqaaqyada (transactions) shaqsiyaadkan u diraan Xarunta Warbixinada Maaliyadda, Financial Reporting Center (FRC).
“Dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed waxaa lagu wargelinayaa in ay mamnuuc tahay xiriir kasta oo dhaqaale ama fududayn ah oo loo sameeyo shaqsiyaadka kor ku xusan, iyada oo ciddii jebisa go’aanka Guddiga lala tiigsan doono xeerarka la-dagaallanka argagixisada ee dhaqangalka ah,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga.




















